Wednesday, 4 February 2009

Please help baby Amran Mohamed Muse a 6 months old baby

Please Help this child who is 6 monthgs old. Her health needs can not be met in Somaliland so the support of the Diaspora is needed to seek urgent medical help for this poor child. The baby's mother is poor and worried about her baby's urgent medical need as her child's head is growing bigger and is too heavy for the poor child's body.

Daawanaayoow waa dadkaagii, Daawanaayoow Waa Dalkaagii

SDWO Relief Project - Hargeisa - Amran Maxamed Muuse waa gabadh yar oo jirta 6 bilood, waxa haleelay xanuun daran oo kaga dhacay madax sare, kaasi oo gebi ahaanba sababay in loo maaro waayo in wax laga qabto islamarkaana dhakhaatiirta wadanku ku talisay in loo qaado dhakhtar dibadeed.



Hooyo Safiya Axmed oo ah hooyo da' yar oo dhashay gabadhan balse duruufaha iyo warwarka ay kala kulantay xanuunka ilmaheeda ay nolosheedu deris lanoqotay warwar iyo walaac daran waxay noo sheegtay inay ilmaheedu aanu kusoo dhalan xanuunkan balse ay markii ay dhalatay ka dib si is daba joog ah uu ugu kordhayay xanuunkani ilaa ay gaadhay heer ay kala miisaan bataan madaxeeda oo dhawr kiilo ah iyo miisaanka guud ee jidhka intiisa kale.

sidoo kale aabo Maxame Muuse oo ah aabaha dhalay ilmahan yar ayaa isagu wax camal ah aan hayn isla markaana duruufuha jira iyo xanuunka ilmihiisa hayaa sababtay inuu xanuun dhinaca maskaxda ahi ku dhufto, maadaama uu ilamahan yar ee imtixaanku helay ka dhalatay qoys danyar ah oo degen xaafadaha Calaamdaha ee magaalada Hargeysa, isla markaana aan awoodin inay gabadhooda u qalqaaliyaan qaliiin dibadeed,

sidaa darteed waxa bulshada reer Somaliland gudo iyo dibadba ay ka codsanyaan inay ka taakuleeyaan sidii ilmahooda loola gaadhi lahaa qaliin inta aanay u dhiman, isla markaana waxa ay maalqabeenada iyo dadka wax haysta ee ku nool qurbaha iyo gudaha wadankaba ay ka codsanyaan inay wixii taakulo ah taraan, dar ilaahay.
wixii gacan qabasho iyo caawin ah waxa aad kala xidhidhi kartaan telefoonadan:

252 2 4155541
+252 2 4480359
waad mahadsan tihiin

Source: SDWO
http://www.sdwo.com/Samafal7.htm
http://www.sdwo.com/samafal.htm

No comments: